“Wada-Hadal Kama Galeyno Badda..”Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo
September 27, 2019 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa shalay khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in muranka badda ee kala dhexeeya Kenya ay xaliso maxkamadda caalamiga ah, oo lagu wado inay mar kale dhageysato 4-ta November.
Hase yeeshee, madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in caadi lagu soo celiyo xidhiidhka labada waddan hase yeeshee aan laga wada hadal arimihii muranka bada ee udhxeeyay somaliya Iyo Kenya.