berberatoday.com
“Waxaa Inoo Furan In Aan Tallaabo Militari Ka Qaadno Iiraan…”Sucuudiga Wasiirka Arrimaha Dibadda, Caadil Al Jubeyr.
September 27, 2019 - Written by Berbera Today

Riyadh(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay mid militari kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka, weerarkaas oo lagu eedeeyay Iiraan.

“Inkasta oo Sucuudiga uusan dooneyn dagaal, Iiraan ayaa lagala xisaabtami doonaa weerarkii diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen xarumaha shidaalka”,ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Caadil Al Jubeyr.

Baaritaan uu Mareykanka soo saaray waxaa lagu sheegay in weerarka ay ka dambeeysay Iiraan.

“Waxaan eegi doona qaababka inoo furan hadda ee na horyaal, go’aan ayaan gaareynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo la hadlayay BBC.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaan ayaa diiday inuu la kulmo madaxweyne Donald Trump xilli dalkiisa lagu soo roggay cunaqabateyn

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaan ayaa diiday inuu la kulmo madaxweyne Donald Trump xilli dalkiisa lagu soo roggay cunaqabateynImage caption: Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaan ayaa diiday inuu la kulmo madaxweyne Donald Trump xilli dalkiisa lagu soo roggay cunaqabateyn

Waxaa uu intaas ku daray in ‘go’aankaas uu u yaallo Iiraan kaas oo ah inay kala doortaan dagaal iyo naceyb iyo in kale’

Iiraan waxay beenisay inay ku lug laheyd weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sucuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ee taageerada ka hela Iiraan ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarka.

Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Iiraan, Mike Pompeo wuxuu weriyeyaasha u sheegay in Mareykanka uu doonayo in heshiis nabadeed lala galo Jahmuuriyadda Islaamiga ee Iiraan

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews