Diyaarad Lagu Amray In Ay Deg Deg U Cagadhigato Sabab La Yaab Leh Awgeed
September 28, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee United Airlines oo isaga goosheysay magaalooyinka Washington DC iyo San Fransisco ayaa si degdeg Colarado u caga dhigatay kaddib, marki mid ka mid ah rakaabki oo suuliga xaaja u galay uu albaabka suuligi ku xirmay.
Diyaaradda oo duullimaadkeedi caadiga ku gudajirta oo hawada mareyso ayaa lagu amray dagitaan aan horay u qorsheyneen oo degdeg ah iney ugu degto garoonka caalamiga ah ee Denver.
“Albaabka Suuliga uu qofka rakaabka ah ku jiray ayaa furmi waayey, xilli ay diyaaradda haawada ku jirtay” ayuu yiri Afhayeenka shirkadda United Airlines oo BBc u warramay.