Sheekh Jaamac Wadaad Oo Ka Hadlay Gorgor-weynaha Dadka Cunaya, Bulshadana Baaq Udiray
September 28, 2019 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Sheekh Jaamac Wadaad oo ka mid ah Culimada Reer Burco, ayaa ka hadlay Xawayaanka Duulaaga ah oo Gorgor-weyne lagu sheegay, isla markaana Carruur ku cunay Bariga Itoobiya iyo Koonfurta Somaliland, qaarna ku dhaawacay oo dadku aad uga qayliyeen, isla markaana warbaahinta iyo goobaha bulshadu ku kulantaba aad loogaga hadlo tan iyo toddobaadkan dhammaaday.
Sheekh Jaamac waxa uu sheegay in Xawayaankani yahay mucjiso Illaahay, isla markaana loo baahan yahay in Diinta loo jeesto oo Kitaabka Qur’aanka ah la isku maamulo. Sheekhu waxa uu Bulshada ugu baaqay in la ducaysto oo Qur’aan la akhristo, Illaahayna laga baryo inuu masiibooyinka socda inna hareer-mariyo.