Taliska Ciidamada Mareykanka Oo Ka Hadley Weerarkii Bali Doogle
October 1, 2019 - Written by Berbera Today
Bali Doogle(Berberatoday.com)-Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabab ku qaaday saldhigga Ballidogle aan wax khasaare ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida.
Talisku waxa uu sheegay inay gaysteen laba duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen mid ka mid ah baabuurta Al-Shabaab.