Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Bedelka Xubintii Komishanka Ee Hore Loo Soo Celiyay
October 2, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi shalay u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga doorashooyinka qaranka.
Madaxweyne Biixi ayaa hore guddoomiyaha guurtida ugu soo celiyay Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa laba xubnood oo uu u gudbiyay Madaxweynaha si ay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanay madaxtooyadu ka dalbatay golaha guurtida inay soo bedelaan xubintaas oo soo celintiisa sabab looga dhigay inuu ka tirsanaa xisbiga Waddani.
Haddaba, sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u xaqiijiyeen guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa shalay Madaxweyne Biixi u gudbiyay in Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) uu noqdo xubinta labaad ee guddiga doorashooyinka.