Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman Oo Xaalku Ku Culusyahay
October 3, 2019 - Written by Berbera Today
Riyadh(Berberatoday.com)-Maxamed bin Salman, oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ayaa walaac balaadhan laga muujiyay hogaamintiisa. Xubno ka tirsan boqortooyada ayaa markan si cad u diidan in uu noqdo boqorka bedeli doona aabihii oo imika haya talada, sida lagu sheegay warbixin ay daabcaday wakaalada Reuters oo waraystay xubno ka tirsan boqortooyada.
Walaacan yaa ka danbeeyay kadib weeraradii bishii hore lagu qaaday ceelsha shidaalka waddanka. Kuwaas oo dhaawac daran soo gaadhsiiyay wax soo saarka saliida, xili uu Sucuudigu yahay waddanka saliida ugu badan u dhoofiya dibadda.