Wararkii Ugu Danbeeye Isku Shaandheynta Madaxweyne Biixi Soo Saaraayo
October 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar la isla dhex marayo oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu dhammaystiray isku shaandhayn iyo xil ka qaadis iyo isku bedel uu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanaa oo uu ku samayn doono xukuumadiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Biixi xukuumadiisa ku soo daro rag miisaan culus ku leh siyaasadda, isagoo xilalka ka qaadi doono xubno ka mid ah wasiiradiisa.