Jacaylkii Askarinimada Ku Seegi Gaadhay Jamaal Cabdinaasir W/Q Faisal Ahmed Karshe
October 4, 2019 - Written by Berbera Today
Jacaylkii Askarinimada Ku Seegi Gaadhay Jamaal Cabdinaasir.

Aynu si kooban ugu milicsano qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey. Si gaar ah qaybtan waxa aynu ku eegi doonnaa qaar ka mid ah Buugga Nisaa’u Zucamaa’ ee “Haweenka hoggaamiyeyaasha” oo uu qoraaga caanka ah ee Muumin Al-Muxamadi si xiise badan ugaga waramayo qisaska jacayl ee soo maray qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo boqorrada Carbeed.
Askarigii jeclaaday inanta saaxiibkii dhalay ee shaaha u keentay oo ahaa Jamaal Cabdinaasir, madaxweynihii wadaniyadda Carbeed astaanta u noqday ee dalka Masar ayaa intii aanu xilka qaban oo uu ka tirsanaa ciidamada waxa uu si joogto ah ugu iman jiray guri uu leeyahay saaxiibkii Cabdalxamiid oo ahaa ganacsade isirkiisa hore ka soo jeeday Iiraan. In kasta oo ay da’ahaan aad u kala weynaayeen Cabdalxamiid iyo Jamaal Cabdinaasir.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo saaxiibkii la fadhiya waxaa u soo gashay oo shaah u keentay inan uu dhalay Cabdalxamiid oo shaah u sidda aabaheed saaxiibkiisa martida u ah. Qacdii koowaad ee Jamaal uu indhaha ku dhuftay inanta saaxiibkii ee shaaha u siddaba, waxaa lagu taagay waran caashaq. Malaha waa run oo jacaylku xuduud iyo xakame ma ixtiraamo ee Jamaal waxa uu bilaabay in uu badiyo booqashada guriga saaxiibkii isaga oo ay tahay keliya xiisayn ah in uu arko mar kale inanta saxibkii dhalay oo lagu magacaabo Taxiyah Kaazim, si uu u qaato go’aankiisa kama dambaysta ah ee guur.
Waana ay dhacday oo saaxiibkii ayuu maalintii dambe si cad uga codsaday in uu inanta ku daro.
Cabdalxamiid oo isagu ganacsade ahaa waa uu xaal ogyahay saaxiibkii Jamaal in uu yahay askari weliba aan darajo aad u sarraysa lahayn, sidaa awgeed isaga iyo innamadiisii intii talo ku jirtayba hadday isu geysteen ma’aanay jeclaysan in ay inanta siiyaan Jamaal iyagoo xitaa ka shakisan in uu nolosha inanta iyo qoyska abuurmaya dammaanad qaadi kari waayo, maadaama oo mushaharkiisu aad u yar yahay, dakhli kalena aanu lahayn.
Si kastaba ha ahaato ee, inantii waa ay u bandhigeen, taladooda diidmada ahna way u raaciyeen, ka dib waxay go’aan ku gaadheen in ay xorriyad u siiyaan in ay iyadu ka gaadho Jamaal iyo rabitaankiisa.
Taxiyah maba ay walaacin ee si dhaqso ah ayaa ay aabaheed iyo walaalaheed ugu sheegtay in ay diyaar u tahay guurka ninkan, muddo laba bilood gudaheed ahna guurkoodii ayaaba dhacay.
Jamaal Cabdinaasir oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Masar waxa uu talada hayey Afar iyo tobankii sano ee u dhexeeyey 1956 illaa 1970kii. Waxa uu xilka qabtay isaga oo 38 jir ah, laakiin maalintii uu guursanayey, Taxiyah Kaathim aabaheed, qoyskeeda, iyada lafteeda iyo xitaa Jamaal Cabdinaasir ma’aanay filayn in uu madaxweyne noqon doono iyaduna marwada koowaad ee dalka Masar noqon doonto.
Faisal Ahmed Karshe..