berberatoday.com
Jubbaland Oo Soo Iibsatay Diyaarad Lagu Dhabar Jabinayo Xayiraadda Dawlada Moqdisho
October 5, 2019 - Written by Berbera Today

Kismaayo(Berberstodsy.com)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray Madaxweynayaashii hore ee dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo C/Kariin Xuseen Guuleed.

Wafdiga Shariif Xasan iyo C/Kariin Guuleed waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kaga hortagay labada Madaxweyne  ku xigeenka ee Jubaland C/Raxmaan Lugadheere iyo Maxmauud Sayid Aadan.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Waxaa la socda daraasiin Xildhibaanno ah kuwaas oo Magaalada Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe.

Warar hoose ayaa sheegaya in 9ka Bishan October ay dhaceyso xafladda caleemasaarka Axmed Madoobe,waxaana halkaas ku sii qul qulaya mas’uuliyiin kala duwan.

Sida wararku sheegayaan Diyaarada Wafdigaan sida tooska ah uga dajisay Magaalada Kismaayo oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubbaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa ku qasbanaatay inay soo iibsato Diyaaradaan kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri ” ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews