Mareykanka Iyo Yurub Oo Qarka U Saaran Dagaal Ganacsi
October 5, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in go’aanka Ururka Ganacsiga Adduunka uu Mareykanka ugu ogolaaday inuu canshuur dheeri ah saaro badeecadaha Midowga Yurub uu yahay “guul wanaagsan.”
Ururka WTO ayaa shalay go’aankan u xukmiyey Mareykanka, si uu uga aarguto taageerada Midowga Yurub siiyo shirkadda diyaaradaha sameysa ee Airbus.