“Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda Ayaan U Gudbinay Maxkamadda Sare..” Xisbiga Himilo Qaran Uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Sheek Axmed
October 6, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow xarunta Xisbiga ku qabtay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.