Turkiga Oo Billaabaya Howl-Galka Syria Kadib Bixitaanka Mareykanka + [ Sababta ]
October 7, 2019 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay daqiiqad kasta billaabaaan howl-gal ka dhan mintidiinta Kurdish-ka ee dalka Syria kadib markii dowladda Mareykanka ay sheegtay inaysan is-hortaagi doonin.
“Waxaa jirta oraah aan mar kasta dhahno: waxaan iman karnaa habeenkii aan doonno innaga oo aan ogeysiin bixin” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha.
“Waa wax aanay su’aal ka taagneyn inaan usii dulqaadanno halista nooga imaneysa kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya mintdiinta Kurdish-ka.