Madaxweyne Muuse Biixi Oo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Walaalkii Sacad Cumar Geele Oo Ahaa Maamulihii Dekadaha Jabuuti
October 8, 2019 - Written by Berbera Today
TACSI MADAXWEYNE
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacbiga Jabuuti Iyo Madaxweyne Geele
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti kuna geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii.