Madaxweyne Muuse Biixi Oo Udhoofay Dalka Jabuuti Si Uu Uga Qeyb Galo Aaska Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Walaalkii OO Geeriyooday
October 10, 2019 - Written by Berbera Today
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mida xukuumadda oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka Somaliland ayaa maanta u ambo-baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb-gelaan aaska Marxuum Sacad Cumar Geelle oo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Walaalkii ah laguna aasi-doono dalka Jabuuti Marxuumka ayaa ku geeriyooday Magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo Daweyn Caafimaad loo geeyay.