Mareykanka Oo Dhalleeceeyey Hab-Dhaqanka China Ee Muslimiinta
October 10, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in sida ay China ula dhaqanto muslimiinta, oo ay ku jiraan dadka Uighurs ee Galbeedka China, ay tahay “Xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.”
Pompeo ayaa ballan-qaaday in Washington ay sii wadi doonto inay arrintan dadka ku baraarujiso.
“Tani ma ahan oo kaliya xadgudub weyn oo ka dhan xuquuqda aadanaha, balse sidoo kale ma rumeysnin inay tahay wax u wanaagsan dunida, ama in China ay ku lug yeelato dhaqan noocan ah.” Ayuu Pompeo ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka PBS.