Ankara(Berberatoday.com)-Ciidamada Turkiga iyo xulufadooda ayaa iska caabin kala kulmaya Kurdiyiinta, ayaga oo isku dayaya inay qabsadaan magaaloyinka ku yaalla xuduudda Syria, maalintii saddexaad ee howlgalka Turkiga ay ka wadaan waqooyiga Syria.
Ciidamada Kurdishka ay hoggaamiyaan ee Dimoqraadiga Syria (SDF) ayaa la kulmaya weeraro dhinaca dhulka ah oo ka socda dhul baaxaddiisu dhan yahay 120 km.
Ciidmada Turkiga ayaa sidoo kale adeegsanaya duqeymo diyaaradeed iyo gantaallo culus, halka xoogagga SDF ay ku dhuumanayaan dhufeysyo dhulka hoostiisa ah.
Waxaa lagu warramayaa in Turkish-ka ay qabsadeen illaa 11 xaafad oo xuduudda ku teedsan, inkasta oo Kurdiyiinta ay sheegeen inay dib u qabsadeen laba ka mid ah.
Kooxda la socoshada arrimaha xuququda aadanaha Syria ayaa sheegtay in 41 dagaal-yahan laga dilay SDF, halka Turkiga ay sheegeen inuu ka dhintay hal askari.
Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda 17 qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaalka.