Dawlada Iran Oo Sheegtay In Gantaalo Lagu Weeraray Markab Ay Leeyihiin
October 11, 2019 - Written by Berbera Today
Tehran(Berberatoday.com)-Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan qaraxa lagu warramay.
Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyey laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan aan magaciisa la sheegay, islamarkaana uu sababay in saliid ku daadato Badda Cas.