Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Madaxweynaha Jabuuti Kala Qayb-galay Aas Loo Sameeyey Marxuum Sacad Cumar Geelle
October 11, 2019 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.