Shil Baabur Oo 10 Ruux Ku Geeriyooday Tiro Intaa Kabadanina Ku Dhaawacmeen Oo Duleedka Kaantaroolka Bari Ee Berbera Ka Dhacay
October 11, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(BerberatShil Baabur Oo Kadhacay Duleedka Kaantaroolka Bari Ee Berbera Ayaa Waxa Ku Dhintay 10 Ruux 14 Kalena Waxa Kasoo gaadhay Dhaawacyo Kala duwan Oo Kuwo Culus Ubadan sida Ay Noo Xaqiijiyen Hawl wadaeenada Caafimaadka Cisbataalka Guud ee Berbera.
Shilka ayaa dhacay abaara shantii galabnimo xili ay cadceedu liiqa sii dhigaysay.
Shilka Ayaa Ka Dhashay Laba Baabuur Oo iskudhacay oo Midiyahay kuwa Jaadka Qaada loo yaqaan IZUZU Oo Madhan Kana Yimi Dhinaca Burco Iyo Baabur Nooha Ah Oo Kayimi Dhinaca Wajaale oo siday haween iyo rag Oromo ah.
Hawl wadeenada Cisbataalka Guud ee Berbera ayaa Hawlan Daaweynta Dhawact=yada Halka Maydadka Kuwii Geeriyoodayna Talaagada Maydka Lagu Keydiyo ee Cisbataalka Berbera La Dhigay.
Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawacmay oo isku noqonaya 19 Ruux Marka Laga Reebo Wadaha Gaadhiga Noohada ah iyo kuwa gaadhiga Jaadka Saarnaa dhamaantood Inta kale Waxay Ahaayeen Dad Kasoo Jeeda qoomniyada Oromada Oo Loo malaynayo Inay Ahaayeen Kuwa Tahriiba Oo Kusiijeeday magaalada Bosaso ee Putland Halkaas Oo ay Inta Badan Doonta Ka Raacaan Dhinaca Yemen utalaabisa Iyaga Oo Dalka sucuudigaUsii Gudba halkaas oo ay shaqooyin ka raadsadaan.
Berberatoday.com