Nabada ceel Afweyn -. qoraa:- Maxamed baashe
October 12, 2019 - Written by berberatoday berberatoday
KA DAAYA GAWAANTA
GEED-SARE WAABKA!!!
Horta saw colaadda Ceel-afweyn ee la furdaamin kari waayey, markii hore, kama ay dhex hulaaqin Baho oo Biciide ka tirsan iyo Iddarays oo Sacad Yoonis ah?
Haddii labadaas raas hadda garteen in ay heshiiyaan saw sidii loo baahnaa ma aha?
Biciide intiisa kale iyo Sacad Yooniska kale, saw in ay taas soo dhoweeyaan oo taageeraan ma aha? Saw intii Habarjeclo iyo Habar Yoonis iyo Somaliland oo dhami ay tafaxaydnayd nabaddu ma aha?
Sidaas ayaa maangal u muuqata, hase yeeshee qolyaha taas saluugga ka muujinaya ee dagaalka ka xigaa maxay qoonsadeen ama ay doonayaan?