Ciidamo Somaliland Ah Oo Puntland U Wareegay
October 13, 2019 - Written by Berbera Today
Ceelbuh(Berberatoday.com)-Maamulka Puntland u qaabilsan gobolka Sanaag ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee fadhigoodu ahaa Ceelbuh ku biireen ciidamada Puntland kana goostee Somaliland.

Ciidamada u tallaabay dhanka Puntland waxa hoggaaminaya Gaashaanle Mustafe Siciid Toor sida maamulka Puntland oo ciidamada soo bandhigay shaaciyay.

Ciidamo xooggan oo Somaliland ah ayaa hore ugu biiray Puntland taas oo walaac hor leh sii galinaysa gacan ku haynta Somaliland ee Sanaag Bari.