Dawladda Itoobiya Oo La Sheegay Inay Bedeshay Danjirihii U Joogay Hargeysa
October 13, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bedeshay safiirkii u joogay caasimadda Somaliland ee Hageysa danjire Shamsudiin Axmed Rooble.
Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya ku xaqiijisay bedelaada diblomaasigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in diblomaasigan oo muddo 2 bilood ah ka maqan shaqada xafiiskiisa Hargeysa la bedelay, waxaanay wararku sheegeen in la diyaariyay danjira cusub ee Itoobiya u qaabilsanaan doona Hargeysa, kaas oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Somaliland.