Moqdisho”Hoobiyayaal Lagu Garaacay Xereada Xalane Ee Amison
October 13, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in hoobiyayaal ay ku dhaceen nawaaxiga garoonka Muqdishu gaar ahaan xerada Xalane oo xarun u ah Qaramada Midoobay iyo ciidamada AMISOM.
Warar aanu ka helnay dhinaca amniga ayaa sheegaya ugu yaraan 6 hoobiye inay ku dhaceen nawaaxigaas.
Ilaa haatan ma cadda inuu khasaare ka dhashay weerarkan. Waxaa wararku ay sheegayaan in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaabka ah.