Gabadhii Haweenka Turkiga Ku Dhiiri Galisay Inay Xijaabtaan Oo Geeriyootay
October 14, 2019 - Written by Berbera Today
Shucla ( Şule Yüksel ) waxa ay ahayd qoraa turki ah, sidoo kale waxay ahayd qof ku dhiirigalisa dumarka turkiga xidhashada xijaabka. Waxaa dalka turkiga looga yaqaanaa “gabadhii codka haweenka muslimka ee turkiga” iyo “gabadhii ka adkaatay nidaamka cilmaaniga (secularka) ee turkiga”.
Go’aankaas wuxuu saameeyay dedaalki Shucla. Waxay cadaadis kala kulantay dowladi xilligaas, ugu dambayn xabsi ayaa loo taxaabay oo ay 8 bil ku xidhnayd. Markii laga soo daayay xabsiga halkii ayeey shaqadeedi kasii wadday, illaa markii dambe dumarka turkiga ee qaabkeeda oo kale u labbista loo bixiyay magaca micnihiisu yahay kuwii shucla madaxeeda oo kale lahaa (Şulebaş).
Markii ay dowladi waddooyinki ka mamnuuci wayday ayeey soo saartay go’aan kale oo ah (waayahay e, yaan jaamacadaha iyo xarumaha dowlada un lala iman).
Ugu dambayn bishii August 28-kedii sannadkan 2019-ka ayey shucla geeriyootay (Alle ha u naxariisto e) waxa ay ka tagtay dunida turkiga oo haweenka ku nool 60% ay xijaabanyihiin. Waxa ay qabrigeeda u hoyatay iyadoo aan laga wada hadlayn gabadh xijaaban waddooyinka turkiga ma mari kartaa iyo jaamacad ma iman kartaa ee ay gabadh xijaaban madaxtooyada turkiga dhex joogto waa marwada Madaxweyne Erdogan.
Sidaas ayeey ku noqotay “gabadhii codka haweenka muslimka ee turkiga” iyo “gabadhii ka adkaatay nidaamkii cilmaaniga secularka ee turkiga”.
Taariikhda ayaa warin doonta shucla iyo halkii ay isla mareen nidaamki madaxa adkaa ee turkiga.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Khaalid Axmed Cali