Madaxweyne Biixi Oo Magacaabis Iyo Xil Ka Qaadis Sameeyey
October 21, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ilo Xog ogaal ah oo soo gaadhay Warbaahinta Madaxa banaan ayaa waxaa ay sheegayaan In madaxweyne Biixi xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah taliye ku xigeenada ciidamada Dalka
Xogahan ayaa sheegay in madaxweyne Biixi xilkii ka qaadey taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Gen Xassan Cali Dheere isla markaan uu xilka taliye ku xigeenka Asluubta u magacaabey taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska Gen C/Raxmaan Liibaan Fooxle
Sidoo kale wararkan xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi taliye ku xigeen cusub u magacaabey masuul cusub