Ergaygii Midowga Yurub Oo Guuldarro Kala Carraabay Hargeysa Oo Uu U Yimid Muranka Xubno Ka Tirsan Guddiga Cusub Ee Doorashada!
October 23, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Midowga Yurub danjire Berlanga Martinez, ayaa weji gabax siyaasadeed kala carraabay Hargeysa, ka dib markii aanu ku guulaysan ujeedada socdaalkii uu u yimid.
Danjire Berlanga Martinez, ayay ujeedada socdaalkiisu ahayd sidii uu Madaxweyne Biixi ugu qancin lahaa inuu dib ula noqdo xubinimada uu guddiga doorashada u soo xulay siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac oo ay xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen inuu guddi doorasho ka mid noqdo iyagoo ku eedeeyay inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE.
Ergayga ayaa wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka. Madaxweyne Biixi ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika wuxuu ergaygu Madaxweynaha ka codsaday inuu la laabto xubinimada guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka gaws adaygay.