“ Ma Jirto Awood Hor Istaagi Karto Biyo-Xidheenka Itoobiya…”Raysal Wasaaraha Itoobiya Ahmed Abyi
October 23, 2019 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar uusan xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo, balse haddii ay suurageli weydo dalkiisu uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo “dagaal geli karta”.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta hortagay baarlamaanka dalkiisa iyada oo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weydiiyeen arrima badan oo ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay.
Arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mi ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.