Masuuliyiin Ka Socda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Kasocda Oo Booqday Goobta Ay Dagan Yihiin 600 Qoys Oo Sheegay In Madaxweyne Muuse Biixi Baro Bixinayo
October 23, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mas’uuliyiin ka socda labada xisbi ee Waddani iyo UCID ayaa saaka booqday in ka badan 600 oo qoys oo sheegay in Qoyska madaxweyne Biixi, ka qaadayaan dhulkii ay daganaayeen
Xildhibaan Nacnac, ayaa isna la socday mas’uuliyiinta booqashada sameeyay.
Mas’uuliyiintan ayaa ku baaqay in madaxweyne Biixi, Caddaaladda dib ugu soo laabto oo uu joojiyo barakicinta uu dadka Danyarta ah ku hayo sida ay hadalka u dhiggeen.
Labada xisbi ayaa sheegay in goleyaasha ay gaynayaan mooshin lagu badbaadinayo dadkan Danyarta ah dhulkooda.
Waxyaabaha xusida mudan waxa ka mid ah in Guryo dhisan oo sharci leh lagu amray dadka leh in ay iskaga guuraan sida ay HCTV u sheegeen.

