Raysal Wasaaraha Canada Oo Ku Guuleystay Doorashadii Dalkaas Shalay Ka Dhacdey
October 23, 2019 - Written by Berbera Today
Canada(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa maanta guulo ka sheegtay doorashadii dhacday isniintii, isaga oo mar labaad loo doortay inuu dalka hoggaamiyo kadib markii xisbigiisa Liberal-ka ay baarlamanka ka heleen codad ku filan si uu usii ahaado xisbiga talada haya.
Sida uu shaaciyey taleefishinka CBC ee Canada, xisbiga Liberal-ka ee uu hoggaamiyo Trudeau ayaa la filayaa inuu ku guuleystay 157 kursi oo ka mid ah baarlamanka, taasi oo waxyar ka yar 170-ka kursi ee uu u baahan yahay si uu u helo aqlabiyad.