Dawladda Itoobiya Oo Somaliland Ku Ammaantay Ilaalinta Nabadgelyada Xeebaha Gobolka!
October 25, 2019 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa sii taabogelinaya cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee Jaarka ah.
Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa weriyey in Itoobiya ay danaynayso Inay wax ka dhoofiso, waxna kala soo degto marsadda Berbera.
