Dhakhaatiir Maxjarka Aljabiri Katirsan Oo Muqdisho Kaga Qeyb Galay Shir Arimaha Xoolaha Somaliya Lagaga Hadlayo Iyo Xoolo Jabuuti Laga Soo Celiay Lawyaco Ku Xaniban
October 25, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Sanadihii udanbeeyay waxaa soo noqnoqonayay xayiraada dalka sucuudigu saarayay xoolaha mandaqada geeska Afrika ee Soomaalidu degto inta badana sababaha xayirada sucuudigu u adeegsado ayaa ahaa dhanka caafimaadka xoolaha inkastoo dadka qaar qabaam in siyaasad madowna ku dhex jirto oo ah mid ganacsi iyo mid qarsoon oo salka ku haysa siyaasad,
Dhawaan ayay ahayd markii sucuudigi xayiraadii ugu danbaysay u saaray dalalka jabuuti iyo Sudan iyadooo sidaynu ognahay labadii sano ee danbeeyay xayiradi saarnayd xoolaha ka tagi jiray dalalka Soomaliya iyo Somaliland oo isku amar kaliya sucuudigu ka joojiyay kadib markii xoolo ka tagay magaalada Muqdisho oo ay rareen shirkada aljaabiri dib loosoo celiyay iyadoo wasarada xoolaha iyo beeraha dalka sucuudigu ku sheegeen in xooahaasi aanay caafimaad qabin waxase xusid mudan in sucuudigu fasaxay xoolaha taga xiliga xashka labadaa sanoba lakiin mark mooshinka xashku istaago halkii ayay kasii socotaa cunaqabayanta dhoofka xoolaha ee sucuudigu ku hayay Somaliand iyo Soomaliya,