Xukuumada Somaliland Oo Siidaysay Xoolo Ay Ku Xanibtay Xadka Lowyo Cado Iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Ku Sugan Xadka Jabuuti
October 25, 2019 - Written by Berbera Today
Lawyacado(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa xoolo laga soo celiyay dekeda dalka jabuti ku xanibtay xad udhexeeya labada dal kaasi oo mudo sedex cisho ah halkaasi ku xanibnaa.
Wasiirka wasaarada xaananada xoolaha somaliland iyo wafti dhakhaatir oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada lowyo cado
Wararka aanu ka helay siidaynta xoolahan ayaa sheegaya in uu yimid kadib markii wada hadal dhexmaray ganacsatadii xoolahan lahayd iyo wasiirka xaanaanada xoolaha iyaga oo isku afgartay in xoolaha lasii daayo lana baadho caafimaadkooda