“Haday Taladu Inaga Qaloocato Ka Ku Fadhiyaana Ku Fadhiyi Maayo Ka Kusoo Socdaana Waxba Kusoo Gaadhi Maayo”Sheekh Axmed Iid, “
October 27, 2019 - Written by Berbera Today
“Dadka Umada U Horjooga Ah, Waxaan Leeyahay Umada Aad Horjoogaha U Tihiin Ilaahay Kaga Baqda”Sheekh Axmed Iid.
Hargaysa(Berberatoday.com)-Imaamka Masjidka Daarul iimaan sheekh axmed iid ee xaafada jig jiga yar ee magaalada hargaysa ayaa khudbadii jimcaha kaga hadlay muhiimada ay leedahay nabada iyo wadaniyadu,
Sheekh axmed iid ayaa fariiimo dhaxal gal ah diray madaxda dawlada iyo madaxdhaqameedka somaliland
Sidoo kale sheekh axmed iid ayaa si gaara ula hadlay madaxda dawlada iyo cida ay saaran tahay masuuliyadu in ay yeeshaan dul qaad cidii wax tabanaysa ay la hadlaan wixi dhaliil ah ee loosoo jeedinaya ay yeeshaan dul qadkeeda.