Sheekh Cali Iid Oo Kamida Culimada Gobolka Saaxil Oo Maamulka Warshada Laydhka Berbera Xabsiga Utaxaabeen Iyo Sababta Xadhigiisa
October 27, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Sheekha Cali Yuusuf Cali oo ku Magac dheer Sheekh Cal IId ayaa ah imaamka Masjidka qadiimka ah ee Turkiga ee Berbera waxaana habeenkii xalay ciidamada booliska Berbera kasoo xidheen Dekeda Berbera gudaheeda uu hawlo shaqo oo ugaara utagay sida uu noo sheegay,
Sheekh Cal Iid oo Warbaahinta la soo xidhiidhay isaga oo ku xidhan saldhiga Dekeda Berbera ayaa waxa uu xadhigiisa dusha usaaray uu kuu eedeeyay Maamulka sare ee warshada Laydhka Berbera isaga oo xusay inay kadaba socdaan ama ku haystaan shirjaraa,id uu dhawaan qabtay maruu laydhku dad kuqabsaday Berbera oo ay udhinteen sidoo kalena kaga hadlay dhibaatooyinka uu sheegay inuu laydhku bulshada reer Berbera kuhayo iyo daayaca xadhkaha laydhka gaboobay iyo biraha ay waayiradu dul maraan uu sheegay inay iyaga qudhoodu burbureen oo ubaahan yihiin la bedelo.