Geele Iyo Farmaajo Oo Ku Guuldaraystay In Qof Ka Soo Jeeda Djibouti Ama Soomaaliya Loo Magacaabo Xoghayaha Fulinta Ee IGAD Iyo Khilaafka …
October 28, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuldaraystay olole ay ku doonayeen in qof ka soo jeeda Djibouti ama Soomaaliya loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu watay in Dr. Cabdisalaan Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka loo magacaabo xoghayaha fulinta ee IGAD, halka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna watay in jagadaas loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda Djibouti oo uu soo xulay.