Turkey Oo U Yeedhay Safiirka Mareykanka Ee Ankara
October 30, 2019 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Turkey ayaa maanta u yeertay safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xiriira qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si rasmi ah u aqoonsaday “xasuuqii Armenia”.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa sheegay in safiir David Satterfield loogu yeeray xarunta wasaaradda, sababo la xiriira “qaraarkan oo aan lahayn saldhig taariikheed iyo mid sharci toona.”
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa codeyn ah 405-11 waxa uu talaadadii ku ansixiyey qaraarka oo “xaqiijinaya diiwaan-gelinta Mareykanka ee Xasuuqii Armenia.”