Bariis Sababay In Xuduudo La Kala Xidho Iyo Sababta Ku Lammaan
November 1, 2019 - Written by Berbera Today
Abuuja(Berberatoday.com)-Nigeria, oo ka mid ah dalalka Afrika ugu awoodda badan, waxay xuduudeeda xidhay laba bilood ka hor si ay uga hortagto alaabta ganacsiga ee qarsoodiga lagu geliyo – Balse tallaabadaas waxay saameysay ganacsiga dalalka gobolkas oo dhan.
Isu socodka xuduudaha ayaa hakad ku jira, iyadoo cuntadii ay qudhuntay, gawaadhida xamuulka qaadana ay safaf dhaadheer ku jiraan iyagoo sugaya in la fasaxo.
Xidhitaanka xadka ayaa lagu dhawaaqay 21-kii August iyadoo digniin hore aanay jirin, dalalka deriska la ahna way ka cadheysan yihiin arrintaas.