War Deg Deg Ah”Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdillahi Fadal Iimaan Oo Geeriyooday
November 1, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inaalilah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun Alle Ha unaxariistee waxa goor dhawayd caawa ku geeriyooday Cisbataalka International ee Hargeysa Taliyihii ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Marxuum Cabdillahi Fadal Iimaan oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbataalkaas.
Marxuumka ayaa waayadan danbe ay la soo daristay xaalad caafimaad daro uu utagay dalalka Hindiya iyo turkiga kuwaas oo daaweyn usoo sameeyay dhawr jeer hase yeeshee xanuunkiisa oo ahaa kalyaha oo shaqada yareeyay ayuu caawa u qudh baxay alle unaxariistee.