Madaxwaynaha Somaliland Oo Ciidamada Iyo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska! T
November 2, 2019 - Written by Berbera Today
TACSI MADAXWEYNE: 01/11/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.