berberatoday.com
Madaxwayne Deni Oo Go,Aan Lama Filaana Ka Qaatay Xildhibaan Su,aal Waydiiyay Oo Dacwadi Lagu Soo Oogay!
November 2, 2019 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)–Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si lama filaan ah u ogolaaday in Xeer ilaalinta Puntland la noqoto Xasaanad ka qaadkii iyo dacwad Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaddib kulan uu magaalada Qardho kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada oo Tiradoodu gaadhaysay 20 mudane Madaxweynaha ay ka raali Galinayeen hadalkii Xildhibaanka Madaxwaynuhuna aqbalay.

Qoraal lagu baahiyay barta facebooga ee Madaxtooyada ayaa u Dhignaa sidan:

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews