Nin Xoolo-dhaqato Ah Oo Wicitaan Uu Soo Wacay Raadiyow Ergo Xoolihiisa Loogu Daweyay
November 3, 2019 - Written by Berbera Today
Axmed Cabdulaahi Aadan oo ah 48 jir, wuxuu ku nool yahay degaanka Birta-dheer oo ka tirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Kaddib markii ay xoolihiisa ka xanuunsadeed, Axmed oo dhaqda lo’ iyo ari wuxuu la soo xiriiray Idaacadda Ergo, si uu caawin uga helo hay’addaha gargaarka. Wuxuu sheegay in lo’du ay sii daynaysay xaar madow, halka adhiga uu tabcaan la ahaa cabeebka afka. Farintii waxay gaadhay dhaqaatiirta xoolaha ee FAO, isagoon filayn ayaa la soo wacay, loona daaweyay xoolihii.
