Xogtii Ugu Danbaysay Ee Xaalada Dalka Jabuuti?
November 3, 2019 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-waxaa wali ka socda dalka jabuuti mudaharaado rabshada wata waxaana lagu soo waramayaa in ku dhawaad sodon ruux ku dhaawacmeen dad tiro badana jeelka loo taxaabay.

Qowmiyada canfarta oo ah qowmiyada labaad ee ugu tiro badan dalka jabuuti ayaa dhigaya mudaharaadkan.waxayna gebi ahaan iskugu soo baxeen dariiqyada waaweyn ee xaafada ay ka dagan yihiin magaalada jabuuti oo loo yaqaan arxiba.
Booliska jabuuti ayaa ka hor tegay oo xoog u adeegsaday iyo suntan dadka kaga ilmaysiisa sidoo kale dadka ayaa dhagaxaan iyo quraarado u isticmaalayay