Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Heegan Buuxa ka Galay Roobab Dabaylo Wata Oo Maalmihii U Dambeeyay La Saadaalinayay!
November 4, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhammaan Ciidanka Dab-demiska iyo Talisyada Gobolada iyo Degmooyinka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay heegan buuxa ka galay sidii loola socon lahaa Ilaahay inaguma keenee Roobab Dabaylo wata oo maalmihii u dambeeyay la saadaalinayay inay ka da’ayaan guud ahaan Gobolada Somaliland.
