berberatoday.com
Raysal-Wasaare Abiy Axmed Oo Ka Hadlay Tirada Dadkii Ku Dhintay Rabshadihii Ka Dhacay Itoobiya.
November 5, 2019 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Raysal wasaaraha dalka itoobiya ayaa ka hadlay tirade ku dhimatay rabashadihii ka dhacay dalka Itoobiya iyo kuwa ku dhaawacmay

Raysal wasaare Abiy ayaa sheegay in ay rabshadahan ka dhacay deegaanada qoomiyada oromada ay gaadhay 86 qof halka ay tiro kalena ku dhaawacantay.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa  ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay  isagoo warkan ka sheegay shir jaraa’id Axaddii uu ku qabtay magaalada Adis ababa waxaana 86 -da  qof ee dhintay uu sheegay in 4 ka mid ah ahaayeen dumar,  halka 10 ka mid ciidamada Booliiska ay ku dhinteen rabshadahii dhacay.

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas.

“Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yidhii Abiy Axmed.

Raysal wasaare Abiy ayaa wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Itoobiya ee Fana.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo ballaaran oo rabshado horseeday kaddib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews