Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya oo Booqasho ku Yimid Somaliland Iyo ujeedada Safarkooda.
November 17, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti ka socda dawladda faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somaalida dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa beri ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay.
Sida uu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.