Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Iyo Afhayenkii Xisbigaas Oo Xukumadu Xabsiga Utaxaabtay
November 18, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland oo fulinaya amar kasoo baxay Madaxtooyada ayaa Xabsiga Utaxaabay xubno kamida masuuliyiinta xisbiga waddani kuwaas oo kala ah Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhaydenkii Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun waxaana xadhigooda lala xidhiidhiyay Kulan maanta uu ugu baaqay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro Taageerayaasha Xisbigiisa kulankaas ayaa Xukumadu uga shikiday in lagu abaabulayo Mudahaarad ka dhashay Muranka ka taagan Xubnaha Cusub ee komishanka doorashooyinka ee dhawaan Golaha sharci dajinta ee Wakiiladu ansixiyeen kuwaas oo labada Xisbi Mucaarad diidan yihiin xubno kamida Gudidaas Doorashooyinka ay kamid yihiin Cabdirashiid Riyo Raac oo ah Xubin Xisbiga Kulmiye Ah iyo Hawenayda Lagu magaacabo oo kamida Xubnihii Komishankii Hore ee la Bedelay labadaas xubnood uu Madaxweyne Muuse Biixi ka keenay dhinaca xukumada.