Talo Bixin Ku Socota Madaxwayne Muuse Biix Cabdi Iyo Gudoomiye Cabdiraxman Cirro W/Q Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase
November 19, 2019 - Written by Berbera Today
Talo bixin ku socota Madaxwayne Muuse Biix Cabdi iyo Gudoomiye Cabdiraxman Cirro:

Maxaa ka dhasha Muranka iyo khilaafka joogtada ah ee Baryahan Somaliland ku soo kordhay:
Khilaafka waa sunaha nolosha iyo aragti kala duwanaashuhu waana furaha Horumarka balse haduu joogto noqdo ama laga gudbi waayo wuxuu dhalaaa qodobadan goor ku qoran:
1.Niyad jab Bulshada ku dhaca iyo kala fogaansho
2.Beenta iyo dacaayad oo fara badata,taasi oo marka danbe la rumaysto
3.Waxaa hoos u dhaca dhaqaalaha oo shaki Baa ku yimaada maalgashiga iyo cidihii samayn lahaa mashaariicda horumarineed
4.Taasina waxay dhashaa busaarad baahsan oo saamaysa Bulshada iyo Dhaliga Dawladaba
5.Waxaa lags mashquulaaa shaqooyinkii socday iyo halw maalmeedka Qaranka iyo Kuwii Gaar ahaaba oo lagu mashquulaa khilaafkaa iyo iska caabinta.
6.Waxaa Dabca wada jirkiirkii umada iyo midnimadoodii waxaana ka faaiidaysta Cawadga
7.Aakhirka waxaa yimaada Isku dhac naf iyo maalba leh,oo Sababa khasaare wayn oo mudo badan aan laga soo kaban karin
8.Waxaa kharash badan oo aad Wanaag iyo Horumar ku isticmaali lahayd lagu bixiyaya Khilaafaadka iyo iska caabinta