berberatoday.com
Ciidamada Amisom Oo Shaaciyey Qaabkii Loo Dilay Almaas Elman
November 22, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman oo ah aheyd gabadh u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha xuquuqda aadanaha.

Ciidammada AMISOM waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas.

AMISOM waxay sheegeen in dilka Almaas uu ka dhacay xerada Xalane xilli ay ku wajahneyd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaddib markii ay rasaas ku dhacday.

“Baabuurka waxay ku saarnaayeen 3 qof, labadii qof ee kale waxbo ma gaarin, Almaas Elman iyadoo dhaawac ah waxay ku geeriyootay Isbitaalka AMISOM” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM.

Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in AMISOM ay baarayaal u dirtay goobta lagu dilay gabadha isla markaasna ay wareysteen darawalkii baabuurka iyo dad goobjoogayaal ah.

“Baaritaanno horu dhac ah ayaa muujinayaa in Almaas Elman ay ku dhacday rasaas habow ah, wax rasaas ah oo laga riday xerada dhexdeeda ma jirin xilligii uu dilka dhacayay, waxaa jiro jiray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan rasaas habow ah oo horey ugu soo dhacay xerada” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay AMISOM.

AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in si wadajir ah ciidammada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ha’yadaha kale ay sii buuxda uga shaqeyn doonaan baaritaanka ku aadan dilkii loo geystay Almaas Elman.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews