Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Culimo Khilaafkooda Bulshadu Dareentay!
November 22, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay Culimo baraha bulshada khilaafkooda laga dareemay, isla markaana jawaabo iyo dalabyo isaga gudbiyeen facebook-yada.
Warkooban oo qoraal ah oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Warbaahinta ayaa wuxuu u dhignaa sidan:-
“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).